Xiriirka farshaxanka Helsinki – Mauluuca farshaxanka muuqaalka ah

Miyaad xiiseeyneeysaa farshaxanka muuqaalka ah? Xiriirka farshaxanka helsinki waxuu siiyaa dadka jecel farshaxanka muuqaalka ah iyo kuwa dookha ka dhigta waxyaabo badan oo la sameeyo khibradna ka doona. Adeegyada uu xiriirku bixiyo waxaa ka mid ah bandhigyo tayo sare leh, howlaha farshaxanka la amaahdo ee kala duwan iyo tababarro farshaxanno muuqaal ah oo dhiirigelin leh.

Xiriirka farshaxanka Helsinki waxuu ka mid yahay farshaxanka casriga ah ee la soo bandhigo kuwa ugu waaweyn ee Finland, waana urur kor u qaadaya danaha xirfadeed ee ku dhawaad 900 farshaxanno xirfadleyaal ah oo fadhigoodu yahay Helsinki, waxaana la aasaasay 1967. Farshaxanka la amaahdo ee Helsinki, waxa uu ku yaallaa bartamaha Magaalada Helsinki. Farshaxan sawireedka waa la iibsan karaa oo waa la kireysan karaa, waa kuwa xubinta ka ah xafiiska farshaxanka amaahda. Farshaxanka casriga ah HAA ee taariikhiga ah ee ku taal Suomenlinna goobteeda bandhig farshaxaneedka, taas oo ah mid la jecleeysto oo la xiiseeyo bandhigga jilista farshaxanka casriga ah halka kaapelitehdas-ka oo ku raaxeeyso farshaxanka sawirrada leh ee tayada leh ee aay bixiso waxbarashada farshaxan sawireedka iyo culuuntiisa dheer ee xiriirka farshaxan-yahannada sawirka ah ee xirfadlayaasha.

Macluumaadka dheeraadka ah ee ku saabsan howlaheenna iyo adeegyadeenna waxaa lagu heli karaa afka ingiriiska.

 

Ku soo dhawoow!

Helsingin Taiteilijaseuran Taidelainaamo (Xiriirka Farshaxanka Helsinki Qeybta Farshaxanka la Amaahdo)

Jidka Rikhardinka dabaqa hoose ee maktabadda Rikhardinkatu 3, 00130 Helsinki

taidelainaamo@helsingintaiteilijaseura.fi
+358 50 470 5298

furan talaado–jimco saacadda 12–18, sabti–axad saacadda 12–16
waqiga aay furan tahay xilliga kuleeylaha waa isniin–khamiis saacadda 12–18, jimco saacadda 12–16
gelitaan bilaash ah

HAA Galleria (Bandhigga Farshaxanka HAA)

Suomenlinna C 1, 00190 Helsinki

galleriat@helsingintaiteilijaseura.fi
+358 50 470 6087

furan talaado–sabti saacadda 12–18
waqiga aay furan tahay xilliga kuleeylaha waa isniin–axad saacadda 12–18
gelitaan bilaash ah

Helsingin Taiteilijaseuran Kuvataidekoulu ja Kurssikeskus (Xiriirka farshaxanka Helsinki Dugsiga Sawirka Farshaxanka iyo Xaruunta Koorsooyinka)

Kaapelitehdas, Tallberginkatu 1, A-Albaabka, dabaqa 3aad., 00180 Helsinki

kurssit@helsingintaiteilijaseura.fi
+358 50 470 5283

xafiisku waxuu furan yahay isniin–jimco saacadda 12–16 sannadka oo dhan
xafiiska gelitaankiisu waa bilaash, koorsooyinka waa lacag